Araaji qabashada dufcadii labaad ee Diplomsha sare ee Cilmiga Caafimadka Guud (Post Graduate Diploma in Public Health leading to Master Degree)
Shuurdaha Laga rabo qofka soo codsanayo waa:-
- In uu heesto shahaadada Bachelor ee maadooyinka sida : Daaweynta iyo Qaliinka (Bachelor of Medicine and Surgery), Cilmiga Ilkaha(Bachelor of Dental Science), Cilmiga Daawada(Bachelor of Pharmacy), Cilmiga Caafimadka Bulshada( Bachelor of Public Health), Cilmiga Kalkaalinimada(Bachelor of Nurse).
- In uu heesto shahaado Bachelor ah oo laxariirta takhasusaadka kala duwan ee culuumta caafimaadka, darajadiisuna ay tahay B ama ay kasareeyso.
Waxaa kale oo laga rabaa qofka soo codsanaayo in uu keeno xafiiska diiwanks dukumintiyada hoos ku xusan.
- Copy- shahaadada Bachelor oo laga soo tasdiiqiyay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
- Afar sawir oo lacabir ah baasaboorka.
- Copy- Shahaadada dhalashada iyo Sugnaanta
- Codsi kuqoran luqadda English- ka oo qeexaya sababta aad usoo codsatay Diplom-ka sare ee Cilmiga Caafimadka Bulshada (letter of intent).
- CV
NB: Qabashada araajida waxa ay ku egtahay 31 bisha Janaayo 2021. Arjigaaaga waxaad kusoo hagaajisaa xafiiska diiwaanka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed , Xarunta KM4.
Wixi faahfaahin ah fadlan nagala soo xariir Email: [email protected]