Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa booqasho ku yimid xarunta dhexe ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), waxana uu kulan gaar ah kula yeeshay Raktarka Jaamacadda, Mudane Prof. Xasan Cusmaan Gacal.
Raktarka Jaamacadda ayaa ugu horrayn Ra’iisul Wasaaraha hore siiyay warbixin dhamaystiran oo ku saabsan howlaha baaxadda leh ee jaamacaddu ka waddo dhinacyada tacliinta sare, cilmi-baarista, iyo adeegyada aqooneed oo ay bulshada Soomaaliyeed u fidiso.
Sidoo kale, Raktarku waxa uu la wadaagay qorsheyaasha horumarineed ee jaamacaddu ku doonayso in lagu tayeyo manhajka waxbarashada sare, baahinta xarumaha jaamacadda ee gobollada dalka, iyo mashaariic lagu xoojinayo awoodda waxbarasho iyo cilmiyeed ee JUS.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare hore Cali Maxamed Geeddi, oo ahaa arday, barre iyo Cilmi Baare ka baxay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa u mahadceliyay madaxda Jaamacadda isagoo si gaar ah u bogaadiyay hoggaanka iyo maamulka dadaalka joogtada ah oo ay ugu jiraan horumarinta waxbarashada dalka. Wuxuu xusay in Jaamacadda Ummaddu ay door muuqda ka qaadanayso dhismaha iyo badbaadinta maskaxda iyo aqoonta ubadka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah loo garab istaago Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo qalabeynta, tababarka iyo taageerada farsamada oo ay u baahan tahay, si loo dardargeliyo adeegga tacliinta sare ee dalka.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa waxa uu buuggiisa cusub ee “RAADKAYGII”, oo dhawaan lagu daahfuri doono magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu guddoonsiiyay Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.