Jaamacadda Ummadda Somaaliyeed waxay qaadanaysaa dufcaddii 9aad ee Diplomaha sare ee Qaanuunka (Post Graduate Diploma in Law)
Muddada qabashada araajidu waxay ku egtahay 25/02/2022
Shuruudaha Laga rabo qofka soo codsanayo waa
- In uu heysto shahaado Bachelor ee maadooyinka sida Sharciga iyo Qaanuunka ama Artska la xiriira.
- Qofkii heysto shahaado cilmi ah (Bachelor of Science) waa inuu keenaa caddeyn ku saabsan inuu baahi gaar ah u qaba barashada qaanuunka.
- Copy- shahaadada Bachelor oo laga soo tasdiiqiyay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
- Afar sawir oo la cabir ah baasaboorka.
- Codsi qeexaya sababta aad usoo codsatay Diplom-ka sare ee Qaanuunka (letter of intent).
FG: Qabashada araajida waxa ay ku egtahay 25 bisha February 2022 . Arjigaaga waxaad kusoo hagaajisaa xafiiska diiwaan galinta kulliyadda daraasaadka sare ee qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed , qeybta Shabelle.
Wixii faahfaahin ah fadlan nagala soo xariir Email: [email protected]
Wabillaahi Towfiiq