Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmibaarista ee Jaamacadda Ummadda Somaliyeed (JUS) waxa ay qaadaneysaa dufcadii 3aad ee Barnaamijka Takhasuska Qaanuunka (Master Degree in Law) takhasuska : (LLM in Public and Administrative Law).
Shuruudaha laga rabo ardayga soo codsanaya Masterka Qaanuunka waa:
- Inuu keeno shahaadada heerka 1aad (Shareeca ama Qaanuun) asal iyo nuqul lasoo tasdiiqay ama Shahaadada dibloomaha sare ee Qaanuunka oo ay bixisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed;
- Warqada dhalashada ama baasaboor
- Labo sawir midabeysan nooca teesaraha dhabarkiisuna cadyahay
- Inuu keeno arji uu ku codsanayo ka qeybgalka barnaamijkaas.
Muddada qabashada araajidu waxay ku egtahay 15 Aug 2023.
Arjigaaga waxaad kusoo hagaajisaa xafiiska diiwaan galinta ee kulliyadda Takhasuska iyo Cilmibaarista JUS, Xarunta Xamarweyne.
Wixii faahfaahin ah fadlan nagala soo xariir
Email: [email protected],