Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmi Baarista ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) waxey ogaysiinaysaa dhammaan bahda waxbarashada in Sanad-Tacliimeedka 2022/2023 ay so kordhisay takhasus sare (Master Degree) kaas oo ah Maaraynta iyo Hogaaminta Waxbarashada (Master of Arts in Educational Leadership and Management).
Muddada Shahaadada lagu qaadanayo waa laba sano (24 months).
Takhasuskan waxa uu ka jawaabayaa baahida hogaamin iyo maamul ee ay qabaan howl-wadeenada hay’adaha waxbarashada sida:
Maamulayaasha dugsiyada, daladaha waxbarasho, jaamacadaha, holwadeenada wasaarada waxbarashda iyo cid walbo oo ka shaqeysa wabbarashada.
Shuruudaha looga baahan yahay codsadaha:
- Waa Inuu haystaa shahaadada heerka laad (Bachelor) oo ay bixisay Jaamacad la agoonsan yahay.
- Waa in ay tahay shahaadadiisa heerka 1’aad (Bachelor) Education ama diploma sare oo education ah (Post Graduate Diploma in Education).
- Ardayga waa inuu soo tasdiiqiyaa shahaadadiisa: –
- Shahaadada jaamacadaha dalka waa inuu ka tasdiiqiyaa wasaarada waxbarashada ee
- Shahaadada jaamacadaha Dibadda waa inuu ka tasdiiqiyaa wasaarada Arimaha Dibadda ee dalkaas.
- In darajada u ku haysto shahaadadiisa aysan ka yaraan heerka «fiican» (Good).
- Waa inuu ka gudbaa Imtixaanka soo galidda ee Kulliyadda Takhasuska ee JUS.
- Inuu sarreeyo heerka luqadiisa (programku waxa uu ku bixi doonaa 2 luqadood oo kala ah: English & Carabi);
FG: Araaji qabashadu waxey ku egtahay 10 September 2022.
Wixii Faafaahin dheeraad ah fadlan kala xiriir:
Xafiiska Kulliyadda Waxbarashada
Xarunta Xamarweyne.
Email : [email protected]