Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Kulliyadda Takhasuska Iyo Cilmi Baarsita
Qaybta Cilmiga Siyaasadda
Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmi baarista ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) waxey ogaysiinaysaa dhammaan bahda waxbarashada in Sanad-Tacliimeedka 2022/2023 ay so kordhisay takhasusaat sare (Master Degree oo kala ah:
- Shahaadada Heer Labaad ee Cilmiga Siyaasadda (Master of Arts (MA) in Political Science)
- Shahaadada Heer Labaad ee Xiriirka Caalamiga (Master of Arts (MA) in International Relations & Diplomacy).
Muddada Shahaadada lagu qaadanayo waa laba sano (24 months).
Shuruudaha looga baahan yahay codsadaha:
- Waa Inuu haystaa shahaadada heerka 1`aad (Bachelor) oo ay bixisay Jaamacad la agoonsan yahay.
- Waa in ay tahay shahaadadiisa heerka 1’aad (Bachelor) Political Science, International Relations, Public Adminstration, Law, Economics, Geography, Sociology, Media Studies ama Dibloomada sare ee Cimliga Siyaasada ee “JUS”
- Ardayga waa inuu soo tasdiiqiyaa shahaadadiisa :-
- Shahaadada jaamacadaha dalka waa inuu ka tasdiiqiyaa wasaarada waxbarashada ee
- Shahaadada jaamacadaha Dibadda waa inuu ka tasdiiqiyaa wasaarada Arimaha Dibadda ee dalkaas.
- In darajada u ku haysto shahaadadiisa aysan ka yaraan heerka «fiican» (Good).
- Waa inuu ka gudbaa Imtixaanka soo galidda ee Kulliyadda Takhasuska ee JUS.
FG: Araaji qabashadu waxey ku egtahay 15 September 2022.
Wixii Faafaahin dheeraad ah:
Kulliyadda Culuumta Bulshada, Xarunta Km 4
Jaamacaddaa Ummadda Soomaaliyeed
E-mail: [email protected]