Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmi Baarista ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) waxey ogaysiinaysaa dhammaan bahda waxbarashada in uu furmay diiwaan gelinta Baranaamijka Takhasuska ee MPH (Master of Public Health) Sanad-Tacliimeedka 2023-2024
Muddada waxabarashadu waa laba sano (24 months).
Shuruudaha looga baahan yahay codsadaha:
- Waa Inuu haystaa shahaadada heerka laad (Bachelor) oo ay bixisay Jaamacad la agoonsan yahay.
- Waa in ay tahay shahaadadiisa heerka 1’aad (Bachelor) Health Sciences ama diploma sare ee Public Health (Post Graduate Diploma in Public health).
- Ardayga waa inuu soo tasdiiqiyaa shahaadadiisa: –
- Shahaadada jaamacadaha dalka waa inuu ka tasdiiqiyaa wasaarada waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee
- Shahaadada jaamacadaha Dibadda waa inuu ka tasdiiqiyaa wasaarada Arimaha Dibadda ee dalka ay jaamacadda ku taalo.
- In darajada u ku haysto shahaadadiisa aysan ka yaraan heerka «fiican» (Good).
- Waa inuu ka gudbaa Imtixaanka soo galidda ee kulliyadda Takhasuska ee JUS.
FG: Araaji qabashadu waxey ku egtahay 15 July 2023.
Si aad isu diwaan geliso buuxi foomka hoose;
https://forms.gle/xybNeskaXsEFjufK6
Wixii Faafaahin dheeraad ah fadlan kala xiriir:
Xafiiska Kulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo Daaweynta Cudurrada Tropical ka
Xarunta Km4, JUS. E-mail: [email protected]