Dhammaan ardayda doonaysa inay kusoo biiraan (Intensive English Program)-ka Kulliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Waxaa la ogaysiinayaa in Kowda bisha Jannaayo 2023 laqaadan doono Arday cusub.
Is diiwaangelinta waxa ay ku eg tahay (30-ka Jannaayo 2023)
Shuruudahaha laga doonayo ardayga xiliga is diiwaangelinta waa kuwan hoos ku qodban:
- File ama (gal).
- 2 sawir oo kuwa baasaboorka ah.
- Warqadda dhalashada ama baasaboorka ama wax u dhigma.
- Boono caddaynaysa bixinta Lacagta diiwaan galinta oo ah 25 doollar, oo u ku soo bixiyay Akoonka (030300085006) Premier Bank
Diiwaan gelintu waxey ka socotaa xafiiska Kulliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed xarunta Km4.