Dhammaan ardayda doonaysa inay ku biiraan (Intensive English Program)-ka Kulliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Waxaa la ogaysiinayaa in muddadi qabashada codsiyada arjiyada ee bilaabatay 13 July 2022 kuna ekayd 28July 2022 la kor dhiyay, kuna eg tahay hadda 28 Aug 2022.
Shuruudahaha laga doonayo ardayga xiliga is diiwaangelinta waa kuwan hoos ku qodban:
1. File ama (gal).
2. 2 sawir oo kuwa baasaboorka ah.
3. Warqadda dhalashada ama baasaboorka ama wax u dhigma.
4. Boono caddaynaysa bixinta Lacagta diiwaan galinta oo ah 25 doollar, oo u ku soo bixiyay bangi ka mid ah Bangiyada dalka.
Diiwaan gelintu waxey ka socotaa xafiiska Kulliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed xarunta Km4.