Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay idinku bishaareyneysaa inay bilaabeyso, Barnaamijka Takhasuska ee Qaanuunka (Master degree of law).
Jaamacaddu waxay ku bilaabeysaa labo qeybood oo takhasus ah oo ardaydu kala dooran doonaan,kuwaasoo kala ah:
- MAJOR IN SOMALI LEGAL STUDIES,
- MAJOR IN PUBLIC AND ADMINISTRATIVE LAW.
Shuruudaha laga rabo ardayga soo codsanaya Masterka Qaanuunka ee JUS waa:
- Inuu keeno arji uu ku codsanayo ka qeybgalka barnaamijkaas.
- Inuu keeno shahaadada heerka 1aad ( Shareeca iyo Qaanuun) asal iyo nuqul lasoo tasdiiqay ama Shahaadada dibloomaha sare ee Qaanuunka oo ay bixisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed;
- Warqada dhalashada ama baasaboor
- Labo sawir midabeysan nooca teesaraha dhabarkiisuna cadyahay
Muddada qabashada araajidu waxay ku egtahay 31 July 2021
Arjigaaga waxaad kusoo hagaajisaa xafiiska diiwaan galinta kulliyadda daraasaadka sare ee qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed , qeybta Shabelle.
Wixii faahfaahin ah fadlan nagala soo xariir Email: [email protected]
Wabillaahi Towfiiq