Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmi Baarista ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) waxey ogaysiinaysaa dhammaan bahda waxbarashada in Sanad-Tacliimeedka 2023/2024 ay so kordhisay Diblooma sare ee waxabarashada (Postgraduate Diploma in Education) taas oo muhiim u ah bahda ku howlan arimaha waxbarashada (Teaching and Learning Professionals).
Muddada Shahaadada Dibloomaha sare lagu qaadanayo waa hal sano (12 months).
Shuruudaha laga rabo ardayga soo codsanaya waa:
- Inuu keeno shahaadada heerka 1aad (Bachelor degree) asal iyo nuqul lasoo tasdiiqay oo ay bixisay Jaamacad la aqoonsan yahay.
- Warqada dhalashada ama baasaboor
- Labo sawir midabeysan nooca teesaraha dhabarkiisuna cadyahay
- Inuu keeno arji uu ku codsanayo ka qeybgalka barnaamijkaas.
Muddada qabashada araajidu waxay ku egtahay 17 Aug 2023.
Arjigaaga waxaad kusoo hagaajisaa xafiiska diiwaan galinta ee kulliyadda Takhasuska iyo Cilmibaarista JUS, Xarunta Xamarweyne.
Wixii faahfaahin ah fadlan kala xariir xafiiska Kulliyadda Waxbarashada ee JUS Xarunta Xamarweyne.
Email: [email protected], [email protected]