Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed & Wasaaradda Diinta & Awqaafta waxay iska kaashanayaan bixinta barnamij Master ah oo lagu qaadan doono Shahaadada Masterka “Dacwada & Imaamnimada”.
Kulliyadda Takhasusaadka & Cilmi baarista JUS, ayaa bixin doonto barnaamijkaas, mas`uulna
ka nqoon doonto habsami usocodka Barnaamijkaas.
Waxaa Casharada lagu qaadan doonaa Machadka weyn ee “Masjidka Isbaheysiga Islaamka”.
Faahfaahin ku saabsan Barnaamjijka Master ka “Dacwada & Imaamnimada”
- Magaca Barnaamijka: Dacwada & Imaamnimada (واإلمامة الدعوة)
- Nooca Shahaadada la bixinaayo: Master Degree (ماجستير)
- Muddada Waxbarashada: 2 Sano
- Maalmaha Waxbarashada: Sabti ilaa Khamiis
- Qarashka Waxbarashada: Lacag la`aan
- Goobta Waxbarashada: Machadka Masjidka Isbaheysiga Islaamka
- Goobta Diiwaangelinta: Xafiiska Diiwaanka Kulliyadda Takhasusaadka & Cilmi baarista JUS (Xamar Weyne)
-
Waqtiga Diiwaangelinta & Qabashada Codsiyada:
1/Nov/2023 ilaa 20/Nov/2023
- Waqtiga ay Diraasada bilaabanayso: 1/December/2023
- Tirada Ardayda loo qaadanayo Dufcada 1aad: 150 Arday
Shuruudaha lagu qaadanayo Ardayda Cusub
Dhammaan Ardayda doonaysa inay ku soo biiraan barnaamijkan masterka ah (واإلمامة الدعوة ماجستير برنامج) sanad tacliimeedkan 2023/2024, waxaa laga rabaa inay buuxiyaan shuruudaha hoos ku xusan:
- Inuu Codsadaha barnaamijkan shahaadada heerka 1aad ka heysto mid ka mid ah takhasusyada hoos ku xusan
Shareeca wal qaanuun
Shareeca
Diraasaad Islaam
Fiqhi
Kitaab wal sunnah
Qur`aan
Carabi - Iyo Wixii la xiriira takhasusyadaas
- Inuu ka soo gudbo Imtixaanka Qabuulka.
Dukumintisyada laga rabo Ardayda Cusub
- Codsade kasta waa inuu heystaa shahaadada heerka 1aad ee Jaamacadda asal & Copy (Shahaadada waa inay ahaataa mid tasdiiqsan)
- Codsade kasta waa inuu Xafiiska kulliyadda Takhasusaadka & Cilmi baarista keensadaa
- Warqad Codsi Waxbarasho
- File ama Gal bir leh
- Afar Sawir oo teesaro ah
- Aqoonsi Shaqsi (Dhalasho & Sugnaan, ama Passport)
- Warqadda Dambi la`aanta(CID)
- Codsade Kasta Waa inuu la socdaa Waalid ama qof Mas`uul ka ah
La Dag Dukumintiga ogeysiis ka
Diiwaangelinta & Qabashada Codsiyada waxa ay ku egtahay 20 Nov 2023
Si aad u codsato fadlan Buuxi Foomka Hoose