Dhammaan Ardayda dooneysa iney kusoo biiraan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sannad tacliimeedka 2022-2023, waxaa la ogeysiinayaa in qabashada codsiyada ay ku egtahay 15 Sebtembar 2022.
Arjiga waxaa laga qaban doonaa ardayda wadata shahaadada dugsiga sare ee Wasaaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Ardayda ku gudubtay Imtixaanka Shahaadiga waxay la imaanayaan kaarka ay imtixaanka ku galeen ee (Wasaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare).
Shuruudahaha laga doonayo ardayga xiliga isdiiwaangelinta:
- Shahaadada dugsiga sare (Wasaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ) Asal iyo Sawir (Copy)
- Gal ama File
- Afar sawir
- Warqadda dhalashada
- Inuu la socdaa waalid ama masuulka ardayga
Diiwaan gelintu waxey ka socotaa xafiiska Diiwaanhayaha Guud ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed xarunta Km4.
FG:
Diiwaangelinta Ardayda cusub waxay ku egtahay: 15 Sep 2022
Soo ogaansha ha goobta iyo fasalka Imtixaanka : 19 Sep 2022
Taariikhda Imtixaanka loo fadhiisanayo : 20 Sep 2022