Dhamaan ardayada iska diiwaangelisay Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed (JUS) sanad waxbarashadeedka 2021– 2022, waxaa la ogaysiinaya in imtixaanka soo gelidda JUS la qaban maalinta Sabdiga (04-September 2021) saacadu marka ey tahay 7:00 subaxnimo Waqtiga Muqdisho.
Ardayda waxa ay imtixaanka ku gelidoonaan xarumaha hoos ku xusan:
1- Ardayda wadata Roll Numbarka kaarka gelida imtixaanka (JUS7602/21 ilaa JUS8334/21) waxay ku geli doonaan Xarunta Shabeele Xamar Weyne ee Jaamacadda Ummadda.
2- Ardayda wadata Roll Numberka kaarka gelida imtixaanka (JUS8335/21 ilaa JUS9252/21) waxey ku geli doonaan xarunta KM4 ee Jaamacadda.
3- Ardayda wadata Roll Numberka Kaarka gelida imtixaanka (JUS9253/21 ilaa JUS11439/21) waxay ku gali doonaan xarunta Gaheyr ee Jaamacadda.
Fiiro gaar ah:
Ardayda iska diiwaangelisay kulliyada darasaadka islaamka waxa ay imtixaanka ku gelidoonaan xarunta km4 ee Jaamacadda, Sidoo kale Ardayda waraaqadaha imtixaankooda yahay luqada Carabiga waxay ku galidoonaan Xarunta KM4.
Dhammaan Ardayda waxaa lagu wargalinaa in ay 02/Sept/2021 iyo 03/Sept/2021 tagaan xarunta imtixaanka si ay usoo ogaadaan Fasalka ay ku gelidoonaan.
F.G: Ardayga looma ogolo in uu la soo galo taleefoonka xarunta Jaamacada maalinta Imtixaanka.