Kulliyadda Shareecada iyo Daraasaatka Islaamka Jaamacadda Ummadda oo Xaflad u Qabatay Arday Baratay Cilmiga dhaxalka

Arday muddo dheer soo baranaysay cilmiga dhaxalka iyo sarfiga ayaa maanta Ijaazo iyo Shahaado lagu guddoonsiiyay Kulliyadda Shareecada iyo Darasaatka Islaamka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Ardayda oo ka kooban 53 arday oo 33 kamid ah gabdho yihiin halka 20 ka kale ay wiilal yihiin ayaa waxaa Ijaazada guddoonsiiyay Dr. C/shakuur Macallin Cabdi Faarax oo muddo dheer…