Muqdisho, Sebteembar 20, 2022:- Imtixaanka soo gelida Jaamacada Ummada Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay xarumaha Jaamacadda Ummadda ku leedahay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo maamul goboleedyada Galmudug iyo Puntland.
Raktar xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Dr.Cabdullahi Sh.Rashid “Maki” ayaa daahfuray Imtixaanka soo galista Jaamacadda sanad Tacliimeedka 2022-2023 oo ka qabsoomay xarumaha jaamacada ee Muqdisho, Galmudug iyo Puntland, Dr. Cabdullahi ayaa ka warbixiyay sida uu qabsoomay imtixaanka iyo ardayda ka qayb gashay natiijada laga filayo iyo sida heerka sare ee jaamacada usoo agaasintay.
“Maanta oo ay taariikhda tahay 20/9/2022 waa maalin ku astaysan maalinta soo gelida Jaamacadda, waxaa ay qaadaa imtixaanka ku biirista oo ay ardayda Soomaaliyeed kaga qayb galaan imtixaanka . Imtixaanku waxa uu si isku mid ah uga dhacay xarumaha Jaamacadda Ummadda, gaar ahaan afarta xarun ee hada ay ku shaqayso ee kala ah Xaruntaan hada ku suganahay ee km4, Xarunta wayn ee Jaamacada Gahar, iyo labada xarun ee ee maamul goboleedyada” ayuu yiri Raktar xigeenka JUS.
Dr Maki ayaa sidoo kale sheegay in Imtixaanka ay ardadyda baahiyaha gaarka qaba lqaar ka mida ay ka qayb galeen, waa loo shaqeeynayaa aedayda baahiyaha gaarka qaba, kursigooda iyo howlahooda waxaa loo xilsaaray howlwadeeno gooni ah oo u fududaynaya sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Imtixaanka ku biirista Jaamacadda.
Ugu danbayn gudomiyaha ayaa arayda kula dardaarmay inay waxbarashada xooga saaraan ooay dadaalaan arday usoo gudubta jaamacada iyo kuwa aysan usuura galinba, waxa uu si gaar ah utilmaamay in ay waxrashada tahay tartan ardayda ku guulaysan waysane kula dardaarmayin ay sii wataan waxbarashada oo aysan meesha kaga harin.
3714 araday ayaa imtixaanka ku gashay magaalada Muqdihsho, galmuduga waxaa imtixaanka ufadhiistay 172, Puntland waxaa ufadhiistay ardayda utartamaysa 142 isku darkooda waa 4026 arday.
Imtixaankaan ayaa sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa ka qayb gala ardayda soo dhamaysay dugsiyada sareee dalka kuwaas oo ka yimaada dalka oo dhan iyada oo ardayda ku gubta ay xaq u yeelan doonaan in ay waxbarashada heerka koowaad si lacag la`an ah ku dhamaystaan.
-Dhamaad-