24/09/2021 JUS Muqdisho :– Ardayda cusub ee sanadkaan ku guulaysatay ka mid noqoshada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa todobaadkaan waxaa magaalada Muqdishuo loogu sameeyay xaflad soo dhawayn ah.
Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr. Xasan Cumar Mahadalla ayaa maanta soo xiray munaasabad soo dhawayn iyo dhiirigelin isugu jirta oo todobaadkan Jaamacaddu u qabatay ardayda ku guuleysatay imtixaanka soo gelida Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sanad waxbarashadeedka 2021-2022, kuwaas oo noqonaya tiradii arday ugu badnayd ay aqbasho JUS tan iyo markii dib loo howlgeliyay, Jaamacadda ardayda sanadkaan aqbashay ayaa gaaraya 2191 arday.
Munaasabadda intii ay socotay todobaadkan ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocoow, Raktar xigeenaka maamulka iyo maaliyadda Dr Cabdullaahi Sh.Rashiid(Maki), Raktar xigeenka Arrimaha Tacliinta Prof. Aadan Guuleed Shabeel, Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka JUS, Hormuudyada dhammaan kulliyadaha JUS, Macalimiin, waalidiin iyo marti Sharaf kale.
Mudadii ay socotay munaasabada soo dhoweynta ardayda cusub ayaa diirada lagu saaray talooyin iyo dhiirigelin loo jeediyay ardayda nasiibka u yeelatay inay helaan fursada kamid noqoshada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Dhamaan masuuliyiintii ka hadashay munaasabadda ayaa ardayda waxa ay kula dardaarmeen in ay waxbarashada ku dadaalaan ayna ka faa`iidaystaan fursada waxbarasho ee Jaamacadda.
Ardayda ayaa Tiro ahaan gaaraya 2191 arday oo wax ku baran doona Xarumaha Jaamacadda ee gobolka Banaadir halka 252 arday ay wax ku baran doonaan labada farac ee Jaamacaddu ku leedahay maamul goboleedyada Galmudug iyo Puntland.