Muqdisho, Aug 31, 2022: Jaamacadda Ummadda ayaa xalay kulan casho sagootin iyo dardaaran ah u samaysay 29 arday oo deeq waxbarasho u aadaya wadamada Talyaaniga, Türkiye, netherlands Japan iyo India. Munaasabada waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee XFS mudane, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) Dr. Xasan Cumar Mahadalla, Raktar xigeenka Arrimaha Waxbarashada Prof. Aadan Guuleed Shabeel, qaar ka mid ah Hormuudyada, Asgaasimayaasha maamulka, macalimiin iyo martisharaf kale.
Dr. Xasan Cumar Mahadalla Raktarka Jaamacadda, ayaa sheegay in ardaydaan ay ahaayeen kuwa ugu dhibcaha badnaa imtixnaanada Jamacadana iyo tartanadii ay galeen, waxaa loo qaatay Bare kaaliyayaal, hadana waxay u baxayaan in ay soo diyaarin heerka labaad ee waxbarashada si ay takhasus u soo sameeyaan ka dibna Jaamacadda dib ugu soo laabtaan, wuxuuna kula dardaarmay in ay ka faa`iidaystaan fursada qaaliga oo ay heleen.
Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo soo xray munaasabada ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dadaalka wayn ay JUS samaysay muddy gaaban ee dib usoo noqoshada ka dib, “waxa ugu wayn ee aan aad u qadariyana waa in ardaydı iyadda ka soo baxday ay fursad u siiso in ay iyadda ka shaqeeyaan, ay wax soo bartaan ay u soo laabtaan, wadamada aad aadaysaan waxa loo sheegay in aad tihiin kuwa ugu fiican Soomaaliya, hadii idinkii ugu fiicnaa markaa tagtaan wax aan wanagsanayn la idinku arko, waxay dhihi doonaan meesha kuwii ugu fiicnaa ay sedan yehiin kuwooda kale Alle namatuso, waxaa la idinkaga bahan yahay in aad dadaashaan oo aad waxa la dinka filayo iyo wax ka wanaagsan la soo laabataan” ayuus yiri Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee XFS mudane, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Sagaal iyo labaatan kaan arday ee dhawaan u bixi doona deeqaha waxbarasho JUS ayaa noqonaya dufcadii saddexaad ee Jaamacaddu u dirto waxbarasho sare oo dibada ah, tan iyo markii dib loo howlgelinta Jaamacadda ka dib 2014 ka.