Moqdisho 18 – 03 – 2023 :- Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay soo dhawaynaysa War murtiyeedka ka soo baxay shirweynihii Waxbarashada Qaranka oo socday intii u dhaxeysay 13-17kii bisha Maarso, 2023. Halkudhagga Shirweynaha waxa uu ahaa “Waxbarasho Habboon oo Tayeysan, Isbeddel Bulshana Horseedda” waxaana qabatay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare (WWH&TS) ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.
WAR MURTIYEEDKA SHIRWEYNAHA-WAXBARASHADA-QARANKA-MOGADISHU