Arday muddo dheer soo baranaysay cilmiga dhaxalka iyo sarfiga ayaa maanta Ijaazo iyo Shahaado lagu guddoonsiiyay Kulliyadda Shareecada iyo Darasaatka Islaamka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Ardayda oo ka kooban 53 arday oo 33 kamid ah gabdho yihiin halka 20 ka kale ay wiilal yihiin ayaa waxaa Ijaazada guddoonsiiyay Dr. C/shakuur Macallin Cabdi Faarax oo muddo dheer xilliga casharadda dhammaadaan kitaabada u akhrin jiray ardaydaan.
Xafladda ayaa waxaa ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxa Qaybta Shareeda Kulliyadda Dr. Haaruun Sheekh Xusseen Cabdi, Madaxa Qaybta Usuulu diin Dr. Abubakar Maxamed Macallin Xassan (Al-Khaliifa), iyo martisharaf kale.
Dr. C/shakuur Macallin Cabdi Faarax ayaa ka war bixiyay dadaalkii ay ardaydaan bixiyeen, asagoo tilmaamay in xilli aad u kulul marka ardayda kale rawaxaan ay casharrada qaadan jireen, dadaal iyo hawl karnimo ay muujiyeen.
Sidoo kale Dr. Maxamed Iimaan (Shaadibi) ayaa munaasabada ka jeediyay dardaaran dhaxal gal ah. waxaa kale Xafladda ka hadlay guddoomiyaha Naadiga ardayda JUS Faarax Nuur Salaad iyo gudoomiyaha Midowga ardayda Kulliyadda Shareecada C/xakiim Xassan Afrax.
Hormuudka Kulliyadda Shareecada Dr. C/nuur Faarax Cali oo xafladda soo xiray ayaa u mahadceliyay dhammaan kasoo qayb galayaasha, gaar ahaan macalinka Casharada bixiyay, sidoo kalana wuxuu tilmaamay muhiimadda casharrada noocaan ah u leeyahay ardayda Kulliyadda, Hormuudka ayaa kula dardaarmay ardayda inay cilmiga barashadiisa waqti aad u badan galiyaan kuna dhaqmaan, culumadana ka qaataan, iskana ilaaliyaan dadka social Media diinta uga faallooda ayagoon aqoon badan lahayn