Muqdisho, 10 – 04 – 2023:- Kulliyada Shareecada iyo Daraasaatka Islaamka ayaa qabatay tartan Qu’aanka Kariimka ah oo ay soo qaban qaabiyeen midowga Ardayda Kulliyadda ayagoo kaashanaya Maamulka iyo Bareyaasha Kulliyadda, tartanka ayaa loo qabtay ardayda Kulliyadda Shareecada waxaana ka qayb galay 7 arday oo usoo gudubtay Tartanka kama dambaysta ah.
Hormuudka Kulliyadda Shareecada Dr. C/nuur Faarax Cali oo daah furay tartanka ayaa u mahad celiyay dhammaan intii ka qayb qaadatay Tartanka, Hormuudka ayaa sidoo kale ka hadlay Fadliga Qur’aanka iyo muhiimadda uu leeyahay Tartanku.
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Kulliyadda C/xakiim Xassan Axmed ayaa uga mahadceliyay guddiga Kulliyadda iyo dhammaan bahda Kulliyadda kaalintii ay ku lahaayeen inuu guulaysto Tartanka.
Tartanka Qur’aanka ayaa waxaa garab socda su’aalo kadis oo Qur’aanka ku saabsan oo ay ka qayb qaadanayeen Dhammaan kasoo qayb galayaasha hoolka fadhiyay.
Tartan aad u xiiso badnaa Kaddib ayaa Gudoomiyaha guddiga garsoorka Dr. Abuubakar Maxamed (Al-Khaliifa) waxa uu ku dhawaaqay natiijada iyo Tartamayaasha Kaalmaha hore galay oo kala ahaa:
kaalinta 1aad: Kawthar Luqmaan Cumar B5
Kaalinta 2aad: Maxamed C/laahi Cali B6
Kaalinta 3aad: C/Wahaab C/Xakiim Abuubakar B4
kaddib waxaa abaal marin la guddoonsiiyey ardayda kaalmaha hore gashay iyo dhamaan ardaydii Tartanka ka qayb qaadatay.
waxaa sidoo kale waxaa la abaal mariyay afar arday oo ka jawaabtay Su’aalihii kadiska oo ka kala socday Kulliyadaha Shareecada iyo Cilmiga Bulshada.
Raktar Xigeenka Jaamacadda Prof. Dr. C/laahi Sh. Rashiid (Makki) oo munaasabadda soo xiray ayaa aad u bogaadiyay hawsha Musaabaqada, aabulkeeda iyo sida wanaagsan ee ay kusoo dhamaatay, wuxuu si gaar ah ugu duceeyey uguna Mahadceliyay waalidiintii Ardayda soo bar baariyay Qur’aankana baray.
Prof. Makki ayaa sidoo kale ku dheeraaday Muhiimadda Musaabaqada Qur’aanku u leedahay Jaamacadda iyo guud ahaan Bulshada Muslimiinta, wuxuuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in sannadaha dambe Musaaqadu intaan ka ballaarnaato Kulliyadaha oo dhanna ay kasoo qayb galaan.