Jaamacadda Ummadda Somaaliyeed waxay qaadanaysaa dufcaddii 11aad ee Diplomaha sare ee Qaanuunka (Post Graduate Diploma in Law)
Muddada qabashada araajidu waxay ku egtahay 15 April, 2023
Shuruudaha Laga rabo qofka soo codsanayo waa
1. In uu heysto shahaado Bachelor ee maadooyinka sida Sharciga iyo Qaanuunka ama Artska la xiriira.
2. Qofkii heysto shahaado cilmi ah (Bachelor of Science) waa inuu keenaa caddeyn ku saabsan inuu baahi gaar ah u qaba barashada qaanuunka.
3. Copy- shahaadada Bachelor oo laga soo tasdiiqiyay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
4. Afar sawir oo la cabir ah baasaboorka.
5. Codsi qeexaya sababta aad usoo codsatay Diplom-ka sare ee Qaanuunka (letter of intent).
FG: Qabashada araajida waxa ay ku egtahay 15 April, 2023. Arjigaaga waxaad kusoo hagaajisaa xafiiska diiwaan galinta kulliyadda daraasaadka sare ee qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed , xarunta Shabelle.
Wixii faahfaahin ah fadlan nagala soo xariir Email: [email protected]
Wabillaahi Towfiiq