Muqdisho:- Raktar Xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Cabdullaahi Sh. Rashiid (Maki) ayaan manta daah furay Imtixaanka Aqbalaada oo ka dhacay xarumaha Jaamacadda ee Banaadir, Galmudug iyo Puntland. Imtixaanka waxaa u fariisatay 3731 arday.
Imtixaanka ayaa loogu talagalay in lagu ogaado heerka aqooneed ee ardayda iyadoo ardayda kusoo baxda xaq u yeelan doonaan gelitaanka Jaamacadda.
Raktar xigeenka Prof. Dr. Cabdullaahi Sh. Rashiid, ayaa sheegay in imtixaanka si cadaalad ah loo qaadayo ardaydana si hufan isu soo diiwaan geliyeen. Wuxuu sheegay in Jaamacadda ay ka go’antahay sidii ardayda Soomaaliyeed ay u heli lahayd waxbarasho tayo leh, iyada oo aan loo eegayn halka ay kasoo jeedaan.
Ardayda ku guulaysta waxa lagu wargelin doonaa natiijadooda todobaadyada soo socda.