02:03:2023:- Munaasabad balaaran oo lagu soo bandhigayay manhajka cusub ee qaybta saxaafada Kulliyadda Culuumta bulshada iyo qalin jebinta arday dhamaysatay Diplomaha Saxaafada ayaa lagu qabtay hotel Jazeera ee magaalada muqdiaho.
Waxaa ka qaybgalay munaasabada Raktar-ka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), Dr. Xassan Cumar Mahadallah, Agaasimaha Tacliinta Sare Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Ismaciil Yuusuf Cusmaan, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada Mudane Cabdirixiin Ciise Caddow, Hormuudka kulliyadda Culuumta Bulshada JUS Dr. Cabdulqaadir Maxamed Diesow, Raktarkii hore JUS, Prof. Maxamed Axmed Jimcaale, Professor Kaarle Nordenstreng oo ka tirsan Jaamacadda Tampere ee dalka Finland, iyo Masuuliyiin ka socday IMS, FOJO Media Institute, macalimiin iyo maamulka iyo Shaqaalaha Jaamacadda Ummadda.
Raktar-ka JUS, ayaa ardayada qalin jabisay ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen dadaalkii ay mudada labada sano ah soo wadeen , sidoo kale wuxuu amaan iyo bogaadin u jeediyay kulliyadda Culuumta Bulshada oo ku guulaysatay in ay samayso buuga manhajka qaybta Saxaafada ee Kulliyadda, isaga oo faray labada qayb ee kulliyada Sociology iyo Political Science in ay sameeyaan buuga mahanja qaybaha . Dr. Xassan ayaa dhamaan kulliyadaha jaamacadda ku amray in ay soo saaraan buuga manhajka qaybaha iyo kulliyadaha.
Ugu danbayn munaasabada waxaa hadiyado lagu gudoonsiiyay masuuliyiin ka socotay Jaamacadda Tembare ee dalka Finland, IMS iyo FOJO Media Institute oo gacan ka gayatay taageerida iyo soo bixitaanka manhajka qaybta saxaafada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyo tababarida watiyayaasha shaqeeya.