Dhammaan ardayda dooneysa inay ku biiraan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sannad tacliimeedka 2023-2024, waxaa la ogeysiinayaa in qabashada codsiyada ay furmi doonto 31 July 2023, ayna ku ektahay 07 Sep 2023.
Arjiga waxaa laga qaban doonaa ardayda wadata shahaadada dugsiga sare ee Wasaaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Ardayda ku gudubtay Imtixaanka Shahaadiga, waxay la imaanayaan kaarka ay imtixaanka ku galeen ee (Wasaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare) Marka Natiijada usoo baxdo.
Shuruudahaha laga rabo ardayga xiliga isdiiwaangelinta:
1. Shahaadada dugsiga sare (Wasaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ) Asal iyo Sawir (Copy)
2. Gal ama File
3. Afar sawir
4. Warqadda dhalashada
5. Inuu la yimaado waalid ama qof masuul ah
FG:
Diiwaangelinta ardayda cusub waxay ku egtahay: 07 Sep 2023
Soo ogaanshaha goobta iyo fasalka Imtixaanka: 11 Sep 2023
Taariikhda Imtixaanka loo fadhiisanayo: 12 Sep 2023
Diiwaan gelintu waxey ka socotaa xafiiska Diiwaaniyaha Guud ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed xarunteeda Km4.