Natiijada Imtixaanka Aqbalaada Jaamacadda Sanad tacliimeedka 2023-2024

Hambalyo ardayda ku guulaysatay imtixaankii aqbalaada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, sanad waxbarashadeedka 2023-2024! Waad dadaasheen, ku soo dhawaada Jaamacadiina. Si aad natiijadaada u hesho, fadlan booqo linkiga soo socda: https://ummadda.jaamacadda.net/ Tirada Guud ee Sanadkaan Jaamacadda Ummadda ay qaadatay ayaa ah 3485 arday oo ah kuwii ku gudbay imtixaanka eeg shaxda hoose Xarunta Dhexe NO Magaca Kulliyadda…

Raktar Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda oo daah furay imtixaanka aqbalaada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Muqdisho:- Raktar Xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Cabdullaahi Sh. Rashiid (Maki) ayaan manta daah furay Imtixaanka Aqbalaada oo ka dhacay xarumaha Jaamacadda ee Banaadir, Galmudug iyo Puntland. Imtixaanka waxaa u fariisatay 3731 arday. Imtixaanka ayaa loogu talagalay in lagu ogaado heerka aqooneed ee ardayda iyadoo ardayda kusoo baxda xaq u yeelan doonaan gelitaanka Jaamacadda.…

Kulliyadda Shareecada iyo Daraasaatka Islaamka Jaamacadda Ummadda oo Xaflad u Qabatay Arday Baratay Cilmiga dhaxalka

Arday muddo dheer soo baranaysay cilmiga dhaxalka iyo sarfiga ayaa maanta Ijaazo iyo Shahaado lagu guddoonsiiyay Kulliyadda Shareecada iyo Darasaatka Islaamka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Ardayda oo ka kooban 53 arday oo 33 kamid ah gabdho yihiin halka 20 ka kale ay wiilal yihiin ayaa waxaa Ijaazada guddoonsiiyay Dr. C/shakuur Macallin Cabdi Faarax oo muddo dheer…

Kulliyadda Shareecada Jaamacadda oo maanta qabatay Nadwo Cilmiyeed ku saabsan Habka Diyaarinta “Caalimka Fiqiga Xambaarsan”.

Kulliyadda Shareecada iyo Daraasaatka Islaamka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa maanta qabatay Nadwo Cilmiyeed ku saabsan habka Diyaarinta “Caalimka Fiqiga Xambaarsan”, Kulanka waxaa kasoo qayb galay qaar ka mida Ardayda macalimiinta iyo shaqaalaha Jaamacadda Ummadda Soomaalieed. Hormuudka Kulliyadda Shareecada iyo Daraasaatka Islaamka Dr. C/nuur Faarax Cali oo nadwada furay ayaa soo dhaweeyey culumada Nadwada soo jeedinaysa…

Naadiga Ardeyda Jaamacadda oo doortay Gudoomiyaha Naadiga Ardayda iyo ku Xigeenkiisa.

Naadiga Ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa shalay qabatay doorashada Guddoomiyaha Naadiga Ardayda Jaamacadda. Doorashada oo ka dhacday Jaamacadda ee Gahayr, km4 iyo Shabeelle ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay codaynta 3,396 arday. Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr. Xasan Cumar Mahadallah, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Mudane, Maxamed Barre…

Difaacashada Buuga Qalin-jabinta Dufcadda 2aad iyo 3aad Kulliyaddaha Culuumta Bulshada iyo Cafimaadka.

Xarunta KM4 ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxaa Todobaadkana ka bilaawday buug difaacashada dufcadii 2aad ee Kulliyadda Culuumta Bulshada gaar ahaan qaybta Soiology and Social work, oo soo bilowda Talaado 09/05/2023. Sidoo kale shalay iyo maanta waxaa buugaagta qalin jebinta difaacanaya Ardayda kulliyadda caafimaadka iyo qalliinka kuwaas oo noqonaya dufcaddii 3aad dib u howlgelinta Jaamacadda ka…

Kulliyadda Shareecada iyo Daraasaatka Islaamka oo qabatay Tartan Xifdiga Qur’aanka Kariimka.

Muqdisho, 10 – 04 – 2023:- Kulliyada Shareecada iyo Daraasaatka Islaamka ayaa qabatay tartan Qu’aanka Kariimka ah oo ay soo qaban qaabiyeen midowga Ardayda Kulliyadda ayagoo kaashanaya Maamulka iyo Bareyaasha Kulliyadda, tartanka ayaa loo qabtay ardayda Kulliyadda Shareecada waxaana ka qayb galay 7 arday oo usoo gudubtay Tartanka kama dambaysta ah. Hormuudka Kulliyadda Shareecada Dr.…

WARMURTIYEEDKA SHIRWEYNAHA WAXBARASHADA QARANKA MUQDISHO, Maarso 13-17, 2023

Moqdisho 18 – 03 – 2023 :- Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay soo dhawaynaysa War murtiyeedka ka soo baxay shirweynihii Waxbarashada Qaranka oo socday intii u dhaxeysay 13-17kii bisha Maarso, 2023. Halkudhagga Shirweynaha waxa uu ahaa “Waxbarasho Habboon oo Tayeysan, Isbeddel Bulshana Horseedda” waxaana qabatay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare (WWH&TS) ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.…