Dufcadii koowaad ee ka qalinjabinaysa Kuliyada caafimaadka(dib u howlgelinta JUS), oo buugaagtooda difaacatay.

Raktar ku xigeenka Arimaha Waxbarashada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) Prof. Aaden Guuleed Shabeel, ayaa ka qayb galay munaasabad ay ardayda kuliyada caafimaadka JUS  ku difaacaneeyeen buugaagta qalinjebinta. Ardayda difaacatay buugaagta ayaa tiradooda waxa ay gaaraaysaa 43 arday, kuwaas oo ah dufcadii koowaad tan iyo dib u howlgelinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale munaasabadda waxaa goobjoog…

239 Arday ayaa u fadhiisatay Imtixaanka aqbalaadda ee Jaamacadda Ummadda faraceeda Puntland “SAWIRRO”

239 Araday ayaa u fadhiistay imtixaanka aqbalaad Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed fareecada Puntland ee magaalada Badhan. kulliyadaha kala ah: Caafimaadka qaybta Kaaliyaha (Nursing), Kulliyadda Sayniska, qaybta Jiyoolajiga (Geology), Kulliyadda Waxbarashada iyo kulliyadda Daraasaadka Islaamaka ayeey ardaydu kala doorteen Imtixaanka waxaa si wada jir ah u furay Agaasimaha xarunta Badhan Caydaruus Ahmed Faarax Oday iyo Guddoomiyaha Guddida…

Jaamacadda Ummadda oo deeq waxbarasho siisay shacbiga reer Yemen ee  Muqdisho qaxootiga ku ah.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyadoo ka duuleysa xiriirka walaaltinnimo ee Soomaaliya iyo Yemen ayay waxay deeq waxbarasho u fidisay 16 arday oo ka mid ah walaalaha reer  Yemen ee soo magangalay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan caasimadda dalka ee Muqdishu. Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed (JUS) oo garaawsan soo dhawayntii dadka reer Yemen ay u sameeyeen markii Soomaalidu…

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada oo soo xiray tababarkii u socday dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee COVID-19

Muqdisho (JUS): Munaasabad lagu soo xirayay tababar loo qabtay dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee COVID-19 ayaa maanta lagu qabtay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho. Munaasabada ayaa waxaa ka qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka, XFS, Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada HTS, Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka JUS, dhaqaatiir, iyo marti sharaf kale. Wasiiru dowlaha…

SNU, launched a Covid-19 Online Medical Profession Development Course for Medical professional Doctors.

The Somali National University (SNU) and The Italian UNESCO Network for Covid-19, in collaboration with the Italian Agency of Development Cooperation, have organized a Covid-19 Online medical profession development course The course was launched by the Deputy Minister of Health and Human Service together with the rector of SNU, Mohamed Ahmed Jimale. The course will…

Raktarka JUS ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilasada bisha barakaysan ee Ramadaan

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prf. Maxamed Axmed Jimcaale, ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan. “Waxaan Ummadda Muslimiinta ah meel waliba ay dunida ka joogaan ugu hambalyaynayaa bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, si gaar ah ummadda Soomaaliyeed. Waxaan Alle idinkaga baryayaa in sanadkaan sanadkiisa kale nabad iyo barqaaqo idinku gaarsiiyo”. Ayuu yiri…

Raktarka JUS ayaa booqasho ugu tagay ardayda qaybta ka ah Ololaha la tacaalida COVID -19

Ardayda Kulliyada Caafimaadka ayaa qayb ka ah shaqooyinka ka socda xarunta adeega degdega ah ee Covid19 Iyaga oo ka jawaabaya Taleefanka Gaaban 449. Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed JUS, Dr Maxamed Axmed Jimcaale iyo Hurmuudka Kulliyada Caafimaadka ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tagay ardayda  qaybta ka ah hawlaha wacyigalinta iyo ka jawaabida Taleefanka 449. Dhaqaatiirta Jaamacadda…