Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda oo tababar ku saabsat soo saarista muuqaallada u qabatay Ardayda Saxaafada.

Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), ayaa uqabatay Ardayda qaybta Saxaafada ee Diplomaha tababar socon doona mudo afar maalin ah, kaas oo ku saabsan soosaarista muuqaalada. Tababarka oo lagu qabtay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa ujeedkiisu ahaa in ardayda lagu baro xirfadaha isticmaalka kaamirooyinka, iftiinka, dhawaaqa, iyo habaynta muuqaalada. Hormuudka Kulliyadda Culuumta…

Raktarka ayaa Daahfuray Manhajka Cusub Qaybta Saxaafada Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda

02:03:2023:- Munaasabad balaaran oo lagu soo bandhigayay manhajka cusub ee qaybta saxaafada Kulliyadda Culuumta bulshada iyo qalin jebinta arday dhamaysatay Diplomaha Saxaafada ayaa lagu qabtay hotel Jazeera ee magaalada muqdiaho. Waxaa ka qaybgalay munaasabada Raktar-ka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), Dr. Xassan Cumar Mahadallah, Agaasimaha Tacliinta Sare Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Ismaciil Yuusuf…

4026 Arday ayaa u Fadhiisatay Imtixaanka Aqbalaada Jaamacadda

Muqdisho, Sebteembar 20, 2022:- Imtixaanka soo gelida Jaamacada Ummada Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay xarumaha Jaamacadda Ummadda ku leedahay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo maamul goboleedyada Galmudug iyo Puntland. Raktar xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Dr.Cabdullahi Sh.Rashid “Maki” ayaa daahfuray Imtixaanka soo galista Jaamacadda sanad Tacliimeedka 2022-2023 oo ka qabsoomay xarumaha jaamacada ee Muqdisho, Galmudug…

Jaamacadda oo Casho Sharafeed u Samaysay 29 Arday oo Deeq Waxbarasho u Aadaya Dibada.

Muqdisho, Aug 31, 2022: Jaamacadda Ummadda ayaa xalay kulan casho sagootin iyo dardaaran ah u samaysay 29 arday oo deeq waxbarasho u aadaya wadamada Talyaaniga, Türkiye, netherlands Japan iyo India. Munaasabada waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee XFS mudane, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) Dr. Xasan Cumar Mahadalla,…

WARGELIN : Arjiqabashada Sannad Tacliimeedka 2022-2023

Dhammaan Ardayda dooneysa iney kusoo biiraan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sannad tacliimeedka 2022-2023, waxaa la ogeysiinayaa in qabashada codsiyada ay ku egtahay 15 Sebtembar 2022. Arjiga waxaa laga qaban doonaa ardayda wadata shahaadada dugsiga sare ee Wasaaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare. Ardayda ku gudubtay Imtixaanka Shahaadiga waxay la imaanayaan kaarka ay imtixaanka ku galeen ee…