Ololaha nadaafadda Jaamacadda ayaa maanta lagu qabtay xarunta Shabeelle

Ardayda, macalimiinta Kuliyadda Waxbarashada iyo Maamulka JUS , ayaa maanta olole nadaafadeed ka sameeyay xarunta Shabeelle ee defmada Xamarwayne. Raktarka JUS Dr. Maxamed Axmed Jimcaale, ayaa kala qaybqaatay ardayda ololaha nadaafadda, wuxuuna sheegay in ay doonayaan in shaqadaan ay noqoto mid joogto ah, isla markaana bil kasta maalin nadaafad wadareed ah ay ardaydu samayso. Gudoomiye…

Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed Oo Kormeeray Xarunta Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda

Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa maanta booqasho xog uruurin ah ku tegay xaruunta wayn ee Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS). Maareeyuhu wuxuu u kuur galay hawlaha dib-u-dhiska iyo dayactirka ee Jaamacadda Ummaddu ka sameysay Xaruunta Gaheyr oo hadda ay saldhig u ah 7 kulliyadood oo ay dhigtaan…

Ardayda Kulliyadda Saxaafadda Jaamacadda Ummadda oo Booqasha aqoon korosi ah ku yimid Madaxtooyada Qaranka

Madaxtooyada Qaranka ayaa u fidisay ardayda dhigata kulliyadda Saxaafadda iyo Cilmiga Warbaahinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed booqasho cilmiyeed ay wax kaga ogaanayaan hannaanka shaqo ee Xafiisyada ugu sarreeya dalka. Ardadan oo soo indho-indheeyey qeybaha kala duwan ee Madaxtooyada ayaa kulammo xog wareysi ah la yeeshay qaar ka mid ah agaasinka, madax-qaybeedyada iyo shaqaalaha Madaxtooyada JFS. Agaasimaha…