Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmibaarista ee Jaamacadda Ummadda Somaliyeed (JUS) waxa ay qaadaneysaa dufcadii 2aad ee Barnaamijka Takhasuska Culuumta Bulshada (Master’s Degree) ee takhasusaadka kala ah: –
1. Xiriirka Caalamiga (Master Degree in International Relations)
2. Cilmiga Siyaasadda (Master Degree in Political Science).
Takhasusaadkaan waxaa wax ka dhig doono khubaro aqoon fiican u leh Culuumta Siyaasadda. (Political Science & International Relations).
Mudada waxbarashada heerka 2aad waa labo sano (24 bilood).
Shuruudaha laga rabo ardayga soo codsanaya Takhasusaadka heerka 2aad ee Culuumta Bulshada
waa:
1. Inuu heystaa shahaadada heerka koowaad ee Jaamacadda (Bachelor degree) isla markaana la xiriirtaa Culuumta Bulshada.
2. Inuu keenaa shahaadada asalka ah iyo maadooyinka uu soo qaatey (Original certificate and transcript) iyo koobigooda oo tasdiiqsan.
3. Inuu soo qorto codsi ka mid noqoshada waxbarashada takhasusiga ah.
4. Inuu la yimaado labo sawir oo teesaro ah.
5. Inuu keenaa warqad dhalasho iyo sugnaan.
Qabashada araajidu waxay bilaabaneynaa 29 July 2023 waxeyna ku egtahay 20 Aug 2023.
Arjigaaga waxaad kusoo hagaajisaa xafiiska Takhasusaadka ee Kulliyadda Culluumta Bulshada
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, xarunta K M 4.
Wixii faahfaahin ah fadlan kala xariir xafiiska Takhasusaadka ee Kulliyadda Culluumta Bulshada ee JUS xarunta K M 4.
Email: [email protected], [email protected]