Jaamacadda Ummadda oo Baydhabo ku soo Gebogebaysay Ban bax Aqooneed loo Qabtay Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed

Jaamacadda Ummadda oo Baydhabo ku soo Gebogebaysay Ban bax Aqooneed loo Qabtay Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed

Baydhabo, 28-07-2026 :- Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo kaashanaysa Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa magaalada Baydhabo ku soo gebogebaysay Ban bax Aqooneed socday muddo saddex maalmood ah (25- 27 Luulyo 2026), kaas oo loo qabtay Golaha Wasiirrada cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dugsiga Tababarka Shaqaalaha Dowladda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa soo agaasimay barnaamijkaan oo ujeeddadiisu ahaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha hoggaaminta ee xubnaha Golaha Wasiirrada cusub, si loo xoojiyo hufnaanta maamulka iyo tayada adeegyada dowladda.

Intii uu socday Ban baxa Aqooneed, waxaa lagu falanqeeyay mowduucyo muhiim u ah horumarinta hay’adaha dowladda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen maamul wanaagga iyo isla xisaabtanka, qorsheynta istaraatiijiyadda, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda, iyo horumarinta tayada adeegyada bulshada.

Xiritaanka tababarada ayaa waxaa si rasmi ah u sameeyay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, oo ku bogaadiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed doorka muuqda ee ay ka qaadanayso dhismaha awoodda hay’adaha dowladda iyo horumarinta hoggaanka qaranka.

Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest