Muqdisho, Soomaaliya: Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa maanta daahfurtay Xarunta Garaadka Gacmeedka (Somali National Artificial Intelligence Center – SNAIC), munaasabad lagu qabtay Xarunta KM4 ee Jaamacadda.
Xarunta waxaa si rasmi ah xarigga uga jaray Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay xaruntaani u leedahay horumarinta cilmi baarista, hal abuurka, iyo adeegsiga Garaadka Gacmeedka (Artificial Intelligence) ee Soomaaliya.
Daahfurka xarunta waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, aqoonyahanno, cilmi baarayaal, iyo wakiillo ka socday jaamacado kala duwan, oo ay ka mid yihiin Zamzam University, SIMAD University, Hormuud University, iyo Jamhuuriya University. Sidoo kale waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa wakiillo ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda Waxbarashada.
Xarunta Garaadka Gacmeedka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxaa loo aasaasay inay hormuud ka noqoto horumarinta aqoonta, cilmi baarista, iyo adeegsiga tiknoolajiyadda Garaadka Gacmeedka. Xaruntu waxay u adeegi doontaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, hay’adaha dowladda, kuwaa aan dowliga ahayn, iyo hal abuurayaasha Soomaaliyeed, iyadoo dhiirrigelinaysa samayn togan oo wax ku ool ah kana jawaaba baahiyaha horumarineed ee dalka.
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay rumeysan tahay in xaruntaani ay door muuqda ka qaadan doonto kobcinta aqoonta iyo cilmi baarista, taageeridda hal abuurka Soomaaliyeed, iyo diyaarinta jiil aqoon iyo xirfad u leh tiknoolajiyadda casriga ah, si ay uga qayb qaataan horumarka iyo isbeddelka dhijitaalka ah ee Soomaaliya.







