Muqdisho, 08 Oktoobar 2026 Heshiis lagu horumarinayo Isbitaalka De Martino looguna beddelaayo Isbitaal Waxbarasho iyo Cilmi-baaris ayaa waxaa kala Saxiixday Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, iyo Raktarka JUS, Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa kala saxiixday heshiiska iyagoo bogaadiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda iyo Jaaamacadda Ummadda si loo horumariyo adeeyada bulshada sida adeega caafimaadka dalka.
Heshiiskan ayaa door muhiim ah ka qaadan doona tayeynta adeegyada caafimaadka, horumarinta waxbarashada caafimaadka, tababarka ardayda iyo xirfadlayaasha caafimaadka, iyo kor u qaadista cilmi-baarista.
Sidoo kale heshiiska labaad oo ku saabsan hirgelinta Barnaamij Waxbarasho oo Heerka Labaad (Executive Master in health), kaas oo loogu talagalay shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed. Barnaamijkaan ayaa diiradda lagu saarayaa kor u qaadista aqoonta, xirfadaha iyo awoodda shaqaalaha caafimaadka, si loo xoojiyo tayada maamulka, hoggaaminta iyo adeegyada bixinta caafimaadka dalka.
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa uga mahadcelisay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada hoggaamintiisa wanaagsan, dadaalkiisa iyo doorka uu ka qaadanayo horumarinta adeegyada caafimaadka iyo xoojinta iskaashiga Wasaaradda iyo Jaamacadda. Sidoo kale, Jaamacaddu waxay mahadnaq u jeedisay Dowladda Talyaaniga taageerada ay ka geysanayso horumarinta adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo dhisidda awoodda hay’adaha dalka. Wasiirka Caafimaadka ayaa bogaadiyey doorka ay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ka qadaneyso horumarinta adeegga Caafimaadka dalka asagoo u mahadnaqay Jaamacadda iyo Dowladda Talyaaniga.
Heshiisyadan ayaa qayb ka noqon doona dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga waxbarashada sare iyo adeegyada caafimaadka, laguna dhisayo awoodda xirfadlayaasha caafimaadka, si loo helo nidaam caafimaad oo tayo leh, kana jawaaba baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.








