Xafladda Qalin jebinta Dufcadda 1 aad ee masterka Dacwada & Garsoorka iyo soo dhawaynta Dufcadda 2 aad.

Xafladda Qalin jebinta Dufcadda 1 aad ee masterka Dacwada & Garsoorka iyo soo dhawaynta Dufcadda 2 aad.

Muqdisho, 20 Luulyo 2026: Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa maanta qabatay Xafladda Qalin-jabinta Dufcaddii 1-aad ee Barnaamijka Master-ka ee Dacwada iyo Garsoorka, iyadoo isla munaasabaddaas lagu soo dhaweeyay Dufcaddii 2-aad ee ku soo biirtay barnaamijka. Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin heer qaran ah, culimo, aqoonyahanno, maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, marti sharaf iyo qoysaska ardayda.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qayb galay munaasabadda, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta waxbarashada diiniga ah iyo tayeynta barnaamijyada tacliinta sare ee dalka. Waxa uu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta hay’adaha iyo nidaamyada kor u qaadaya doorka culimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hambalyo u diray Dufcaddii 1-aad ee ka qalin-jabisay Barnaamijka Master-ka ee Dacwada iyo Garsoorka, isaga oo ku boorriyay inay aqoontooda uga faa’iideeyaan horumarinta caddaaladda, fidinta dacwada Islaamka iyo adeegga bulshada. Sidoo kale, waxa uu si diirran u soo dhaweeyay Dufcaddii 2-aad ee ku soo biirtay barnaamijka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa si furay munaasabadda, isaga oo si diirran u soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha, masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, culimada, madaxda jaamacadaha, marti sharafta iyo dhammaan ka qaybgalayaasha xafladda.

Guddoomiyuhu waxa uu hambalyo u diray Dufcaddii 1 aad ee ka qalin jabisay Barnaamijka Master-ka ee Dacwada iyo Garsoorka, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, adkaysigooda iyo guusha ay gaareen. Waxa kale oo uu si rasmi ah u soo dhaweeyay Dufcaddii 2-aad ee ku biirtay barnaamijka, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar inta ay ku guda jiraan waxbarashadooda.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Wasiirro, Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, culimo, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale, kuwaas oo bogaadiyay doorka Jaamacaddu ku leedahay horumarinta tacliinta sare iyo diyaarinta khubaro Soomaaliyeed oo tayo leh.

Xafladdan ayaa ka tarjumaysa dadaalka joogtada ah ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ugu jirto kobcinta waxbarashada sare, horumarinta cilmi-baarista iyo soo saarista aqoonyahanno iyo hoggaamiyeyaal door muuqda ka qaata horumarka iyo dib-u-dhiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest