Muqdisho, 3 Sebtembar 2026 – Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay Jazeera Aqua Park, Muqdisho, Shirka Sanadlaha ah ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), kaas oo muddo saddex maalmood ah socday, (1 – 3) Sebtembar 2026, waxaana ka qaybgalay Maamulka Sare ee Jaamacadda iyo xubno ka tirsan Golaha Tacliinta.
Shirka Sanadlaha ah ee Jaamacadda ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista Qorshaha Istiraatiijiga ah ee Jaamacadda ee shanta sano ee 2025–2030, iyadoo si qoto dheer looga dooday mudnaanta iyo jihada horumarineed ee Jaamacadda.
Maalintii koowaad ee shirka, Golaha Tacliinta ayaa si gaar ah uga hadlay xeerarka waxbarashada, siyaasadaha Jaamacadda iyo diyaar-garowga sannad-waxbarasheedka cusub, kaas oo la filayo inuu furmo toddobaadka soo socda.
Labadii maalmood ee u dambeeyay ee shirka waxaa si gaar ah loogu dooday dib u eegista Qorshaha Shanta Sano ee Jaamacadda (2025–2030), iyadoo la qiimeeyay jihada istiraatiijiyadeed iyo mudnaanta Jaamacadda ee sannadaha soo socda.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo maalintii labaad ee shirka ka qaybgalay ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka kaga hadlay muhiimadda istiraatiijiyadeed ee waxbarashada farsamada iyo xirfadaha, isagoo tilmaamay doorka ay waxbarashada xirfadeed ku leedahay kobcinta aqoonta iyo xirfadaha dhalinyarada, abuurista fursado shaqo iyo diyaarinta shaqaale xirfad leh oo ka qaybqaata horumarka dhaqaalaha iyo bulshada dalka.
Gabagabada shirka ayaa xoojinaysa dadaallada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan sare-u-qaadista tayada waxbarashada, cilmi-baarista, hal-abuurka iyo horumarinta hay’adda, iyadoo la dejinayo jihada iyo mudnaanta horumarineed ee Jaamacadda muddada shanta sano ee soo socota.
Shirka ayaa sidoo kale muhiim u ah xoojinta hufnaanta maamulka, tayeynta adeegyada Jaamacadda iyo horumarinta qorsheyaasha istiraatiijiga ah, si JUS ay uga sii gudubto waajibaadkeeda ku aaddan horumarinta aqoonta, kobcinta xirfadaha iyo ka qaybqaadashada horumarka guud ee dalka.







