MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANNAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADDA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANNAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADDA

Muqdisho, Sabti 12 Sebtembar 2026:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, munaasabad ballaaran oo ka dhacday Masraxa Shariif Salax ee xarunta Jaamacadda Ummadda ee KM4 magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa munaasabada ka soo qaybgalay Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda, Gudoomiye ku xigeenka IBS Bank, Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha, madaxda iyo bahda waxbarashada, bah-wadaagta, marti-sharaf, macallimiin iyo ardayda Jaamacadda.

Madaxweynaha : “Horumarka dalku wuxuu ku xiran yahay tayaynta waxbarashada”

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa tilmaamay in horumarka Soomaaliya uu si weyn ugu xiran yahay tayaynta waxbarashada, kobcinta aqoonta iyo maalgelinta dhallinyarada. Wuxuu xusay in jaamacaduhu ay door muhiim ah ku leeyihiin diyaarinta jiil aqoon iyo xirfad u leh hoggaaminta dalka iyo ka qaybqaadashada horumarkiisa.

Daah-furka Hindisaha ABUUR

Intii ay socotay munaasabadda, Madaxweynaha ayaa daah-furay Hindisaha ABUUR (ABUUR Initiative) oo ah barnaamij loogu talagalay kobcinta hal-abuurka, curinta iyo xirfadaha ganacsi ee ardayda Jaamacadda. Barnaamijku wuxuu sannad kasta taageeri doonaa in ka badan 400 arday, gaar ahaan ardayda sannadka ugu dambeeya iyo kuwa qalin-jabiyay, si ay fikradahooda ugu beddelaan ganacsiyo, shaqo-abuur iyo mashaariic la maalgelin karo.

Barnaamijku wuxuu socon doonaa 12 bilood: lixda bilood ee ugu horreeya ardaydu waxay qaadan doonaan tababar ku saabsan hal-abuurka iyo ganacsiga, halka lixda bil ee xiga ay heli doonaan taageero, hagid iyo kobcin joogto ah si loo horumariyo ganacsiyada ay bilaabaan. Hirgelinta barnaamijka waxaa taageeray IBS Bank iyo bah-wadaag kale.

Xarig-jar: dhismayaal cusub iyo laba xarumood oo caafimaad

Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray dhismayaasha cusub ee Kulliyadaha Culuumta Caafimaadka iyo Luqadaha, oo qayb ka ah qorshaha Jaamacaddu ku horumarinayso kaabayaasheeda waxbarasho.
Waxaa sidoo kale la daah-furay inta munaasabada socotay laba xarun oo takhasus caafimaad bixin doona:

  • Xarunta Gurmadka Degdegga ah iyo Daryeelka Xaaladaha Halista ah (Somali Emergency & Critical Care Training Center), xarun tababar qaran oo loogu talagalay xoojinta xirfadaha dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka ee dhinacyada Emergency Care, Critical Care, Life Support iyo Trauma Care. Xaruntu waxay bixin doontaa shahaadooyin caalami ah oo ay ka mid yihiin BLS, ACLS iyo ATLS, waxayna leedahay aqoonsiga hay’adaha ASHI, AHA iyo ACS. Tababarka waxaa iska kaashaday Wasaaradda Caafimaadka, WHO iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
  • Xarunta Guddiga Caafimaadka Arrimaha Carabta (Arab Board – Medical), oo ah xarun isku xirta Soomaaliya iyo Golaha Arab Board, oo bixiya shahaadooyinka iyo tababarrada takhasuska sare ee caafimaadka. Xaruntaan ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradaha Caafimaadka iyo Jaamacadda, waxay dhakhaatiirta Soomaaliyeed u suuragelin doontaa inay takhasus sare oo caalami ah ku qaataan dalkooda, taasoo yareyn doonta baahida ay u qabaan inay dibadda u aadaan takhasusyadaas.

Dhagax-dhig: Dhismayaasha Guriga Martida iyo Hal-abuurka & Cilmi-baarista

  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale dhagax-dhigay laba dhismo oo cusub:
    Dhismaha Hal-abuurka iyo Cilmi-baarista, oo ka koobnaan doona shaybaar ballaaran oo sayniska iyo caafimaadka ah, maktabad weyn oo leh qayb dijitaal ah, xarun hal-abuur oo dhamaystiran, iyo xafiisyo ay isticmaali doonaan xarumaha cilmi-baarista Jaamacadda.
  • Guriga Martida Jaamacadda, oo ah dhismo afar dabaq ah ayaa hooy u noqon doona khubarada dibadda ka imaanaya iyo martida Jaamacadda, kaasoo martgelin kara ilaa 70 bare ama marti.
    Dhismayaashan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu tayeynayo waxbarashada sare, tababarrada caafimaadka iyo cilmi-baarista dalka.

Gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ka soo qaybgalkiisa iyo daah-furka munaasabadda, isagoo xusay in taageerada Madaxweynaha iyo muhiimadda uu siinayo waxbarashada sare, cilmi-baarista, hal-abuurka iyo maalgelinta dhallinyarada Soomaaliyeed ay dhiirrigelin weyn u tahay Jaamacadda iyo dadaalladeeda ku aaddan tayeynta waxbarashada dalka.

Dr. Maxamed ayaa sidoo kale mahad iyo qaddarin u jeediyay madaxda qaranka, mas’uuliyiinta dowladda, madaxda iyo bahda waxbarashada, bah-wadaagta, marti-sharafta iyo dhammaan ka soo qaybgalayaashii munaasabadda. Wuxuu si gaar ah ugu mahad celiyay IBS Bank iyo dhammaan bah-wadaagtii ka qaybqaadatay hirgelinta ABUUR Initiative.

      

Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest