In ka badan 2000 arday oo ku guulaystay Imtixaanka soo gelida JUS oo soo dhawayn loogu sameeyay …

24/09/2021 JUS Muqdisho :– Ardayda cusub ee sanadkaan ku guulaysatay ka mid noqoshada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa todobaadkaan waxaa magaalada Muqdishuo loogu sameeyay xaflad soo dhawayn ah. Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Dr. Xasan Cumar Mahadalla ayaa maanta soo xiray munaasabad soo dhawayn iyo dhiirigelin isugu jirta oo todobaadkan Jaamacaddu u qabatay ardayda ku guuleysatay imtixaanka…

OGEYSIIS: Baridda Luqadda Talyaaniga

Jaamacada Ummadda Somaaliyeed (JUS), waxay ogaysiinaysaa dhammaan ardayda JUS, in bisha September 2021 la bilaaabi doono duruusta barashada af-Talyaaniga. Koorsooyinku waxay u furan yihiin in ay ka soo qayb gali karaan dhammaan shaqaalaha iyo ardayda kulliyadaha JUS. Duruustana waxaa lagu qaban doonaa Xarunta Shabelle. Wixii macluumaad dheeri ah waxaa laga heli karaa wakhtiga is-diiwaangelinta, tasoo…

OGAYSIIS: ARAAJI QABASHADA ARDAYDA CUSUB EE JAAMACADDA OO BILAABATAY

Dhammaan Ardayda rabta inay ku soo biirto Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sannad tacliimeedka 2021-2022, waxaa la ogaysiinayaa in qabashada araajida codsiga ay bilaaban doonto 24/07/2021 insha allah . F.G 1- Ardayda Sanadkan ku baastay Imtixaanka Shahaadiga waxay isku diiwaangelin karaan Rool Lambar iyo Kaarka aoonsiga ay ku galeen imtixaanka Sannad Dugsiyadeedka 2021/2022 ee Wasaaradda Waxbarashada .…

Dufcadii koowaad ee ka qalinjabinaysa Kuliyada caafimaadka(dib u howlgelinta JUS), oo buugaagtooda difaacatay.

Raktar ku xigeenka Arimaha Waxbarashada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) Prof. Aaden Guuleed Shabeel, ayaa ka qayb galay munaasabad ay ardayda kuliyada caafimaadka JUS ku difaacaneeyeen buugaagta qalinjebinta. Ardayda difaacatay buugaagta ayaa tiradooda waxa ay gaaraaysaa 43 arday, kuwaas oo ah dufcadii koowaad tan iyo dib u howlgelinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale munaasabadda waxaa goobjoog…

239 Arday ayaa u fadhiisatay Imtixaanka aqbalaadda ee Jaamacadda Ummadda faraceeda Puntland “SAWIRRO”

239 Araday ayaa u fadhiistay imtixaanka aqbalaad Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed fareecada Puntland ee magaalada Badhan. kulliyadaha kala ah: Caafimaadka qaybta Kaaliyaha (Nursing), Kulliyadda Sayniska, qaybta Jiyoolajiga (Geology), Kulliyadda Waxbarashada iyo kulliyadda Daraasaadka Islaamaka ayeey ardaydu kala doorteen Imtixaanka waxaa si wada jir ah u furay Agaasimaha xarunta Badhan Caydaruus Ahmed Faarax Oday iyo Guddoomiyaha Guddida…

Jaamacadda Ummadda oo deeq waxbarasho siisay shacbiga reer Yemen ee Muqdisho qaxootiga ku ah.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyadoo ka duuleysa xiriirka walaaltinnimo ee Soomaaliya iyo Yemen ayay waxay deeq waxbarasho u fidisay 16 arday oo ka mid ah walaalaha reer Yemen ee soo magangalay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan caasimadda dalka ee Muqdishu. Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed (JUS) oo garaawsan soo dhawayntii dadka reer Yemen ay u sameeyeen markii Soomaalidu…

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada oo soo xiray tababarkii u socday dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee COVID-19

Muqdisho (JUS): Munaasabad lagu soo xirayay tababar loo qabtay dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee COVID-19 ayaa maanta lagu qabtay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho. Munaasabada ayaa waxaa ka qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka, XFS, Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada HTS, Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), Hormuudka Kuliyadda Caafimaadka JUS, dhaqaatiir, iyo marti sharaf kale. Wasiiru dowlaha…