Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyadoo ka duuleysa xiriirka walaaltinnimo ee Soomaaliya iyo Yemen ayay waxay deeq waxbarasho u fidisay 16 arday oo ka mid ah walaalaha reer Yemen ee soo magangalay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan caasimadda dalka ee Muqdishu.
Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed (JUS) oo garaawsan soo dhawayntii dadka reer Yemen ay u sameeyeen markii Soomaalidu u qaxday dalkaas iyo weliba xariirka soo jireenka ah ee labada waddan ayay waxay aqbashay codsiga reer Yemen oo ahaa in ardayda reer Yemen ee Soomaaliya u soo qaxay la siiyo deeq waxbarasho.
Jaamacadda Ummaddu waxay ogolaatay in ardayda reer Yemen ee muhaajiriinta ku ah Muqdisho isla markaana ku guulaystay imtixaankii Shahaadiga ah ee dugsiga sare ee Soomaaliya ay ka mid noqdaan ardayda sanadkaan 2020/21 loo qaatay JUS. Ardaydaas waxaa lagu kala qoray kulliyadihii ay soo codsadeen.