FURSADO SHAQO – BAREYAAL JAAMACADEED

FURSADO SHAQO – BAREYAAL JAAMACADEED

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) waxay ogeysiinaysaa dhammaan aqoonyahannada Soomaaliyeed ee buuxin kara shuruudaha hoos ku xusan inay bannaan yihiin 8 boos oo bareyaal jaamacadeed ah, kuwaas oo ka kala bannaan afar kulliyadood.

Boosaska Bannaan

1. Kulliyadda Culuumta Caafimaadka – Muqdisho
3 Bare | Ammin-Dhimman (Part-Time)

  • Midwifery – 1 boos
  • Histopathology and Cytopathology – 1 boos
  • Medical Parasitology – 1 boos

2. Kulliyadda Dhaqaalaha & Maamulka – Muqdisho

1 Bare | Ammin-Buuxa (Full-Time)

  • Statistics – 1 boos

3. Kulliyadda Injineeriyadda – Muqdisho

2 Bare | Ammin-Dhimman (Part-Time)

  • Architecture Engineering – 2 boos

4. Kulliyadda Sayniska – Muqdisho

2 Bare | Ammin-Dhimman (Part-Time)

  • Petroleum Geology & Energy Resources – 1 boos
  • Geology – 1 boos

Shuruudaha Codsadaha

Codsaduhu waa inuu:

  • Haystaa shahaadada heerka koowaad iyo labaad, ama heerka saddexaad, ee takhasuska uu codsanayo.
  • Leeyahay ugu yaraan celcelis darajo B.
  • Leeyahay ugu yaraan 3 sano oo khibrad wax-dhigis heer jaamacadeed ah.
  • Sameeyey cilmi-baarisyo la xiriira takhasuskiisa.

Dukumentiyada Loo Baahan Yahay
Codsadayaasha waxaa laga doonayaa inay soo gudbiyaan:

  • Sooyaal-nololeed (CV)
  • Codsi shaqo (Application Letter)
  • Shahaadooyinka waxbarasho iyo Transcripts
  • Warqad caddeynaysa khibradda shaqo (Employment Experience Certificate)

Habka Codsiga
Buuxi foomka Codsiga Shaqada adiga oo dhamaan dukumintiyada loo baahan yahay soo xaraynaya

HALKAAN KA CODSO 

📅 Waqtiga kama dambaysta ah ee codsiga: 30-ka Sebtembar 2026.
Xuquuqda bareyaasha waxaa lagu bixin doonaa iyadoo la raacayo nidaamka mushaar-bixinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS)
Xafiiska Shaqada iyo Shaqaalaha

Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest