Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmibaarista ee Jaamacadda Ummadda Somaaliyeed waxay qaadanaysaa dufcaddii 13aad ee Diplomaha sare ee Qaanuunka (Post Graduate Diploma in Law)
Shuruudaha Laga rabo qofka soo codsanayo waa:
1. In uu heysto shahaado Bachelor ee maadooyinka sida Sharciga ama Artska la xiriira.
2. Qofkii heysto shahaado cilmi ah (Bachelor of Science) waa inuu keenaa caddeyn ku saabsan inuu baahi gaar ah u qaba barashada qaanuunka.
3. Copy- shahaadada Bachelor oo laga soo tasdiiqiyay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
4. Afar sawir oo la cabir ah baasaboorka.
5. Codsi qeexaya sababta aad usoo codsatay Diplom-ka sare ee Qaanuunka (letter of intent).
FG: Qabashada araajida waxa ay ku egtahay 25 jULY 2024 . Arjigaaga waxaad kusoo hagaajisaa xafiiska daraasaadka sare ee qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed , qeybta Shabelle Xamar-weyne.
Wixii faahfaahin ah fadlan nagala soo xariir Email: [email protected]
Wabillaahi Towfiiq