Kulliyadda Takhasuska Iyo Cilmi Baarsita
Qaybta Shariicada
Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmi Baarista ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) waxey ogaysiinaysaa dhammaan bahda waxbarashada in Sanad-Tacliimeedka 2022/2023 ay so kordhisay Takhasusaat sare (Master Programs) kuwaas oo kala ah:
1- ماجستير في الفقه وأصوله (Fiqi iyo Usuul).
2- ماجستير في القضاء (Garsoorka).
Muddada Shahaadada lagu qaadanayo waa laba sano (24 Bilood).
Takhasusaadkaan waxay ka jawaabayaan baahida aqooneed ee Fiqiga iyo Usuulka iyo Garsoorka loo qabo.
Shuruudaha looga baahan yahay codsadaha:
- Waa Inuu haystaa shahaadada heerka laad (Bachelor) oo ay bixisay Jaamacad la aqoonsan yahay.
- Waa in ay tahay shahaadadiisa heerka 1’aad (Bachelor) Shariica ama diploma sare oo Shariica ah (Post Graduate Diploma in Sharia).
- Ardayga waa inuu soo tasdiiqiyaa shahaadadiisa: –
- Shahaadada jaamacadaha dalka waa inuu ka tasdiiqiyaa wasaarada waxbarashada.
- Shahaadada jaamacadaha Dibadda waa inuu ka tasdiiqiyaa wasaarada Arimaha Dibadda ee dalkaas.
- In darajada uu ku haysto shahaadadiisa aysan ka yaraan heerka «fiican» (Good) جيد.
- Waa inuu ka gudbaa Imtixaanka soo galidda ee Kulliyadda Takhasuska ee JUS.
FG: Araaji qabashadu waxay ka socotaa Xafiiska Kulliyadda Shariicada ee Xarunta KM4 JUS.
Araaji qabashadu waxey ku egtahay 29 September 2022.
Wixii faahfaahin ah fadlan booqo Xafiiska Kulliyadda Shariicada ee Xarunta KM4 JUS