Muqdisho, Soomaaliya – Noofambar 14, 2023: Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Hassan Osman Ga`al, ayaa maanta warbixin ka dhageystay Naadiga Ardayda Jaamacadda. Warbixinta oo ay soo jeediyeen Gudoonka naadiga iyo xubnahiisa ayaa lagu soo bandhigay waxqabadkii Naadiga ardayda, Caqabadaha, iyo waxyaabaha ay u baahan yehiin.
Raktarka ayaa ardayda bogaadiyay isaga oo carabka ku adkeeyay in ardaydu yehiin muhiimada koowaad ee Jaamacadda. Wuxuuna u balan qaaday in ay inta awoda Jaamacadda ah laga caawin doono.
Xafiiska Arrimaha Bulshada, Waaxda Arrimaha Ardayda oo ay hoos tagaan Naadiga Ardayda ayaa iyana la faray in ay Naadiga ka caawiyaan arrimaha quseeya ardayda howlaha mutadawacnimada ah ee ay hayaan.