Jaamacada Ummada Soomaaaliyeed, waxay Bulshada Soomaaliyeed ee jecel waxbarashada Sare ee (Postgraduate) ugu Bishaaraynaysaa in ay Qaadaneyso Dufcadii Labaad ee Culuumta Siyasadda (Political Science) .
Hadaba Shuruudaha Laga Doonayo Ardeyga Soo Codsanayo Waa :
- Inuu heystaa shahaadada heerka koowaad ee Jaamacadda (Bachelor degree) isla markaana la xiriirtaa Culuumta Bulshada.
- Inuu keenaa shahaadada asalka ah iyo maadooyinka uu soo qaatey (Original certificate and transcript) iyo koobigooda oo tasdiiqsan.
- Inuu soo qorto codsi ka mid noqoshada waxbarashada takhasusiga ah.
- Inuu la yimaado labo sawir oo teesaro ah.
- Inuu keenaa warqad dhalasho iyo sugnaan.
Barnaamijkaan waxaa wax ka dhig doono khubaro aqoon fiican u leh Culuumta Siyaasadda (Political science).
Arji qabashadu waa ay socotaa waxa ayna ku ektahay 29 Oktobar,2020. Waxaana lagu soo hagaajinayaa xafiiska diiwaangalinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, xarunta Kulliyada Farsamada ee KM4.
Caasharada waxa ay bilaaban doonaan isbuuca koowaad ee November 2020
Hooyada tacliinta Soomaaliyeed