Dhamaan ardayda soomaaliyeed waxaa la ogeysiinayaa in ay qabashada araajida codsiga ka qeybgalka imtixaanka galitaank Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee sanad tacliimeedka 2018–2019 la bilaabay kuna egyahay taariikh 9/8/2018
Shuruudaha ardayga laga rabo
- Shahaado dugsi sare oo asal ah iyo sawirkeeda
- Warqada dhalashada oo ay ku cadahay maalinta, bisha iyo sanadka
- Sawir nooca teesaraha ah (4 xabo) daaha dambe uu cadyahay.
- Gal (file) bir leh.
Kulliyadaha jaamacadda waa:
- Kull: Caafimaadka
- Kull: Beeraha
- Kull: Dhaqaalaha
- Kull: Xanaanada Xoolaha
- Kull: Sharciga
- Kull: Waxbarashada
- Kull: Injineeriyadda
- Kull: Daraasaadka Islaamka
- Kull: Saxaafada
Wixii faahfaahin dheeraad ah kalasoo xariir 0617494201